DEG DEG: Wasiir Juxa oo Eedaymo Culus u Jeediyay Xukuumadda Xasan Sheekh

0
35

Wasiir hore ee Waxbarashada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Juxa, ayaa si kulul u cambaareeyay Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in ay abuurayso xiisado colaadeed oo keeni kara burbur iyo khasaare naf iyo maalba leh gudaha Puntland.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo ay Dowladda Federaalka abaabushay ay maanta galabtii ka abuureen colaado ka dhacay degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah sida uu sheegay.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa Dowladda Federaalka, oo maalmahan gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan. Falkan gurracan wuxuu dhabar-jebin ku yahay halganka Puntland kaga hortagayso argagixisada caalamiga ah sida Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow iyo Calmiskaad,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Wasiir Juxa wuxuu ku eedeeyay Xukuumadda Federaalka inay:

• U adeegsaneyso deeqaha beesha caalamka u fidisay Soomaaliya in lagu wiiqo amniga Puntland, halkii ay ka taageeri lahayd la dagaallanka argagixisada.

• Kula dhex wareegeyso hub iyo maleeshiyaad gobollada Puntland, iyadoo abuureysa bur-bur siyaasadeed iyo mid amni.

Digniin iyo Xisaabtan Siyaasadeed

Wasiirka ayaa ugu dambeyn xusay in tallaabooyinka ay qaadayso Dowladda Federaalka ay noqon doonaan kuwo lagu xisaabtamo siyaasiyan iyo sharciyan, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay si dhow ula socoto xaalada ka taagan gobolka, gaar ahaan colaadaha laga hurinayo degmooyinka sida Dhahar.

Xog dheeraad ah:

Dhacdadani waxay imaanaysaa iyadoo Puntland ay qeyb ka tahay dadaallada lagu dhisayo maamulka cusub ee Khaatumo, iyo shirarka ka socda magaalada Laascaanood ee lagaga hadlayo aayaha siyaasadeed ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here