Maamulka Somaliland ayaa si kulul ugu baaqay beesha caalamka in ay feejignaan gaar ah u yeeshaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan degaanno ay sheegto Somaliland, iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu hurinayo colaado dhiig badan ku daadan karo.
War kasoo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu si toos ah ugu lug leeyahay abaabulka siyaasadeed iyo mid ciidan ee ka socda gobollo ka tirsan waqooyiga Soomaaliya, taasoo ay Somaliland u aragto faragelin qaawan oo ka dhan ah “madaxbannaanideeda”.
Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri:
“Waxaan si xushmad leh ugu baaqeynaa beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo IGAD, in ay si dhow ula socdaan tallaabooyinka halista ah ee uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo khatar gelinaya xasilloonida gobolka iyo badbaadada shacabka.”
Eedeyntan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda ka aloosan Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, halkaas oo ay Somaliland marar badan isku dayday in ay ku xoog sheegato, halka dad deegaanka ahi ay taageero u muujiyeen maamulka SSC-Khaatumo oo xiriir dhow la leh dowladda federaalka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin eedeynta Somaliland, balse horey ayay ugu adkeysatay mowqifkeeda ah in aysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Somaliland, islamarkaana dalka Soomaaliya uu yahay mid qaran ahaan mideysan.
Arrintan ayaa u muuqata mid sii hurin karta khilaafka siyaasadeed iyo militari ee ka dhaxeeya labada dhinac, iyadoo laga cabsi qabo in colaado hor leh ay dib uga soo cusboonaadaan degaanno horey ugu jiray dagaallo culus.
RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa arrintan waxayna idinla wadaagi doontaa wararkii ugu dambeeyay marka ay soo kordhaan.