DEG DEG: Senator Ilyaas Badal Gaboose oo isku dhiibay Ciidanka amaanka ee Jubaland

0
55

Ilyaas Badal Gaboose ayaa isku dhiibay Taliska Nabad Sugidda ee Maamulka Jubaland kadib markii sida la sheegay uu ka laabtay go’aankiisa ahaa in uu yahay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Jubaland.

Gaboose oo ka mid ah mudaneyaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa la geeyay mid ka mid ah hoteelada ku yaalla Magaalada Kismaayo. Waxaana lagu wadaa in uu kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta markale loo doortay in uu hoggaamiyo Maamulka Jubaland.

Xogoha laga helaayo magalada Kismanyo ayaa sheegaya in Xildhibaan Gaboose uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe si aysan Jubaland u galin qalalaaso amini.. Xildhibaanka ayaa sidoo kale la filayaa in uu warbaahinta la hadlo

Wararka waxey intaas ku darayaan in Senator Ilyaas Badal Gaboose uu waqtigan ku sugan yahay guriga martida, isago laga soo kaxeeyay Hotelka uu magaalada ka daganaa.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here