Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay inaysan aqoonsanayn maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo sheegtay in deegaanadaasi ay weli yihiin qeyb ka mid ah Puntland ilaa laga gaaro shirweyne siyaasadeed oo lagu kala baxayo.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in maamul ahaan aysan weli dhicin wax heshiis ah oo Puntland uga tanaasulaysa deegaanadaasi, sidaas darteedna aysan aqoonsanayn maamulka cusub ee ka dhisan gobolka Sool iyo deegaannada deriska la ah.
Puntland waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid ku saleysan dastuurka iyo xeerarka maamulka, ayna muhiim tahay in mustaqbalka la isugu yimaado shirweyne qaran ama mid heer deegaan ah oo lagu kala caddeeyo mowqifka siyaasadeed ee deegaanadaasi.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan wada-hadallo iyo shirar siyaasadeed oo ay wadaan SSC-Khaatumo iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo salka ku haya maamulka iyo madax-bannaanida deegaankaas.
Ma jiro weli jawaab rasmi ah oo kasoo baxday dhinaca SSC-Khaatumo oo ku aaddan hadalka Puntland.