Ciidamada Booliska gobolka Minnesota oo kaashanaya hay’adda dambiyada federaalka ee Mareykanka (FBI) ayaa gacanta ku dhigay ninkii loo haystay toogashadii ka dhacday shalay gudaha gobolkaas, taasoo lagu dilay xildhibaanad Soomaaliyeed iyo ninkeeda, halka uu dhaawac kasoo gaaray senator kale iyo xaaskiisa.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in weerarku uu ahaa mid si gaar ah loo beegsaday, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambaysay. Booliska iyo FBI-da ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano dheeraad ah si loo ogaado cidda kale ee ku lug leh ama sababaha dhalay falkan argagaxa leh.