DEG DEG: Mucaaradka oo Hadda Galay Madaxtooyada Soomaaliya iyaga oo Kulan Seddexaad la Yeelanaya Madaxweyne Xasan Sheekh

0
47

War goordhow na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in madaxda mucaaradka ugu waaweyn ee dalka ay hadda gudaha u galeen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyaga oo halkaasi kulan seddexaad kula yeelanaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa qeyb ka ah wadahadallo siyaasadeed oo socda maalmahan, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka taagan ee la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo qaab dhismeedka dowladda federaalka ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa RNN Somali TV u sheegay in kulankan uu yahay mid go’aan qaadasho ah oo lagu rajeynayo in laga gaaro isfaham siyaasadeed oo laga miro-dhaliyo.

Waxa la filayaa in kulankaasi kadib ay warbaahinta la hadlaan labada dhinac, si loo faahfaahiyo nuxurka waxyaabaha laga wadahadlay.

RNN Somali TV ayaa si dhow u la socon doona kulankan, wixii kasoo kordhana waan idiin soo gudbin doonaa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here