DEG-DEG: Markab MAGIC SEA oo Lagu Weeraray Badda Yemen Ayaa Quusay

0
16

Wararka naga soo gaaraya badda u dhaw xeebaha dalka Yemen ayaa sheegaya in markab ganacsi oo lagu magacaabo MAGIC SEA uu si rasmi ah u quusay, kaddib weerar lala beegsaday maanta oo Sabti ah.

Markabkan oo siday agab ganacsi una socday dalka Masar, ayaa lagu sheegay inuu leeyahay ganacsato u dhashay dalka Giriigga. Ilo-wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in weerarka lala beegsaday markabka uu sababay khasaare baaxad leh oo horseeday in uu si buuxda u quuso, iyadoo aan weli la xaqiijin khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha Yemen ayaa loo maleynayaa inay ka dambeysay weerarka, iyadoo aanay weli si rasmi ah u sheegan mas’uuliyadda dhacdadan. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa kordhinaya xiisadda sii xoogeysaneysa ee ka jirta marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.

Xaaladdan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in uu dagaal toos ah ka dhex qarxo Masar iyo kooxda Xuutiyiinta, maadaama markabku agab u waday dowladda Qaahira, iyadoo weerarkan loo fasiran karo weerar toos ah oo ka dhan ah danaha Masar ee gobolka.

Dowladda Masar weli kama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee warbaahinta maxalliga ah ee Qaahira ayaa bilaabay in ay si dhow u tabiyaan xaalada, iyaga oo ku baaqaya jawaab adag.

Weerarkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli xasaasi ah oo ay xiisado siyaasadeed iyo amni ka jiraan Badda Cas, gaar ahaan kadib markii Xuutiyiintu ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta ay u arkaan inay taageero la xiriirto xulafada Carbeed ama reer galbeedka.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa xaaladda markabkan iyo waxii faahfaahin ah ee kasoo kordha, waxaana idiin soo gudbin doonaa wararka rasmiga ah marka ay soo baxaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here