DEG DEG: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Samatabixinta oo Ku Heshiiyay Qodobo Muhiim ah!

0
34

Kulankii muhiimka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha Golaha Samatabixinta Qaranka ayaa lagu gaaray guul hordhac ah, iyadoo la isku raacay dhowr qodob oo sal u ah sidii loo heli lahaa heshiis qaran oo lagu wajahayo arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Qodobada la isku raacay waxaa ka mid ah:

1. Dib-u-eegista Dastuurka

Waxaa la isla gartay in la dardargeliyo hannaanka dib-u-eegista dastuurka si uu u noqdo mid loo dhan yahay oo ka turjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

2. Hannaanka Doorashooyinka

Dhinacyadu waxay isku raaceen in la helo hannaanka doorashooyin toos ah oo lagu heshiiyay, si loo dhiso nidaam dimuqraadi ah oo xasilooni siyaasadeed keena.

3. Kasoo Qaybgalka Mas’uuliyiinta Maqan

Waxaa sidoo kale la isku afgartay in mas’uuliyiinta wali ka maqan gogosha wada-hadalka la raadiyo oo la dhiirrigeliyo in ay ku soo biiraan wadahadalka, si wadajir looga shaqeeyo xalinta caqabadaha jira.

4. Kulanka Xiga

Dhinacyada ayaa isla qaatay in markale la isugu yimaado bisha July 2025, si loo sii ambaqaado qodobbada laga wada hadlay, loona dhammeystiro heshiisyada muhiimka ah ee dalka.

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah geeddi-socodka xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo dhammaan dhinacyadu muujiyeen is-afgarad iyo diyaar garow wadareed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here