DEG DEG: Madaxweyne Saciid Deni oo u muuqda mid jilcay, Markabkii Hubka ahaa oo laga yaabo in la fasaxo

0
28

Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu u muuqdo mid ka jilcaya cadaadiskii xooganaa ee uga imaanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo la xiriiray markab hub siday oo maalmahan ka taagnaa khilaaf siyaasadeed iyo mid sharci.

Sacaado kahor, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in haddii maamulka Puntland uusan markabkaasi ka jawaabin, ay qaadi doonto tallaabo qaran oo lagu difaacayo madax-bannaanida iyo amniga dalka.

Dabayaaqadii maanta, warsaxaafadeed ay soo saartay Puntland ayaa muujinaya in maamulkaasi u muuqdo mid u janjeera in uu markabka fasaxo. Inkastoo aysan si toos ah u sheegin fasaxa, haddana hadalka ka soo baxay waxaa laga dareemay in la tixgelinayo baaqyada iyo cadaadiska dhinacyo kala duwan ah.

Lama oga waxa ka dhalan doona go’aanka Puntland ee saacadaha ama maalmaha soo socda, balse xaaladda ayaa u muuqata mid sii cakirmeysa haddii aan xal rasmi ah laga gaarin.

RNN Somali TV ayaa si dhow ula soconaya xaaladda, waxaana wararkii ugu dambeeyay aan idiin soo gudbin doonaa marka ay dhacaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here