DEG-DEG: Maamulka Puntland oo Shaki Geliyay Dhalashada iyo Heybta Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre

0
32

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaki geliyay dhalashada iyo asalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, taasoo kicisay dood siyaasadeed oo weyn.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Ceydiid Dirir, ayaa warbaahinta u sheegay in Xamse Cabdi Barre uu ka mid ahaa carruurtii Xamar looga qaxay, isagoo sidaas darteed su’aal ka keenay in uu matali karo Puntland ama u dhashay.

Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin un kadib markii Ra’iisul Wasaaraha uu shir ka socda magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in shacabka Puntland la ciqaabayo, isagoo tilmaamay in la takoorayo ama la iska indhatirayo doorarkooda siyaasadeed.

Hadalladan is-dhaafsan ayaa muujinaya khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka, xilli ay socdaan wadatallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka gudaha ee dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here