Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo qaraxyo ku billowday kaddib, kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa si lama filaan ah u qarxay gelinkii dambe ee maanta, iyadoo jugta qaraxyo waaweyn laga maqlay daafaha magaalada, taasoo ay ku xigtay weerar toos ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Ilo-wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa RNN Somali TV u xaqiijiyay in dagaalyahanno ka tirsan kooxda ay gudaha u galeen magaalada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karin inta ay le’eg tahay sugnaanta ay Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha magaalada.
Waxaa jira khasaare xoogan oo ka dhashay weerarka, iyadoo la xaqiijiyay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan tirada saxda ah ee khasaaraha weli la helin. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ay wali ka dhaceen qeybo ka mid ah Moqokori.
Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa diiday in faahfaahin rasmi ah laga bixiyo xaaladda, iyagoo sheegay in howlgal qorsheysan lagu wado si dib loogu riixo kooxda weerarka soo qaaday.
RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa xaaladda ka taagan magaalada Moqokori, waxayna idiin soo gudbin doontaa wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha.