Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in Israel ay bilaabayso hawlgallo gaar ah oo lagu beegsanayo hoggaanka ugu sarreeya ee dowladda Iran, sida Hoggaamiyaha Kacaanka Islaamka Ayatollah Ali Khamenei ama Madaxweynaha Iran.
Ilo xog-ogaal ah oo la helay ayaa sheegaya in weerarro dhowr ah oo dhanka cirka ah ay si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobo sir ah oo ay ku sugan yihiin saraakiil iyo hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan dowladda Iran iyo xoogagga difaaca.
⚠️ Maxaa laga filan karaa?
• Haddii ay Israel ku guulaysato in ay beegsato mid kamid ah hoggaamiyeyaasha, jawaab militari oo xooggan ayaa laga filan karaa Iran.
• Tani waxay u dhigan tahay xaalad dagaal oo buuxda, taasoo saamayn weyn ku yeelan karta gobolka iyo xitaa dunida inteeda kale.