DEG DEG: Israa’iil oo Markale Duqeyn Ka Fulisay Caasimadda Suuriya ee Dimishiq

0
41

Wararka laga helayo caasimadda Suuriya ee Dimishiq ayaa sheegaya in markale duqeyn xooggan oo cirka ah ay xilligan fulinayaan ciidamada cirka ee Israa’iil. Duqeynta oo dhacday goor dhow, fiidnimadii maanta, ayaa la sheegay inay si gaar ah u beegsadeen goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla gudaha caasimadda.

Ilo amni oo gudaha Suuriya ah ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntu ay ku wajahnayd xarumo ciidan iyo meelo muhiim ah oo horay ay u degi jireen saraakiil sare oo ka tirsan dowladdu, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Israa’iil ayaa dhowr jeer hore duqeymo ugu qaaday gudaha Suuriya, iyagoo sheegay inay beegsanayaan waxa ay ugu yeeraan saldhigyo milatari oo ay adeegsadaan Iran iyo kooxaha ay taageerto.

Xaaladda ayaa wali kacsan, waxaana cirka Dimishiq laga maqlayaa jugaha madaafiicda iyo qaraxyada, iyadoo shacabka lagu wargeliyay inay guryahooda ku sugnaadaan.

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan khasaaraha, bartilmaameedyada la duqeeyay, iyo jawaabta dowladda Suuriya, waxaan idiin soo gudbin doonaa marka ay noo soo dhamaan wararka deg-degga ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here