DEG-DEG: Hawlgal qorsheysan oo lagu dilay Nuunuule

0
52

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in hawlgal dhabagal ah oo ay fuliyeen xubno ka tirsan maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaano “Macawisleyda Xawaadle” lagu dilay Nuur Cabdi Rooble, oo si weyn looga yaqaanay magaca Nuunuule. Nuur Nuunuule ayaa loo aqoonsanaa mid ka mid ah horjoogayaasha ugu saameynta badan ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan dhinaca howlgalada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, Nuunuule ayaa lagu dilay isaga iyo laba sarkaal oo kale oo uu la socday, Abuu Anas iyo Maxamed Axmed (Xerow), xilli ay marayeen deegaanka Garas Magan oo u dhexeeya Tawakal iyo Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga ay saarnaayeen uu ahaa mid ciidan oo sida la sheegay u adeegayay kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in Nuur Cabdi Rooble lagu dilay duqeyn isugu jirta dhanka cirka iyo dhulka oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA), isagoo aan xusin doorka ay ciyaareen maleeshiyada deegaanka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn ku saabsan cidda rasmiga ah ee fulisay weerarka lagu dilay Nuunuule. Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka in Macawisleyda Xawaadle ay si weyn ugu lug lahaayeen hawlgalka, halka dowladdu dooneyso in ay natiijada hawlgalka u darsato si ay kor ugu qaaddo sumcadda ciidamada qaranka.

Nuunuule, oo kasoo jeeday beesha Duduble, ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa weerarro badan oo ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, wuxuuna muddo dheer hogaaminayey dagaallo ay kooxda Al-Shabaab ka waday gobollada dhexe.

Marka la eego xaaladda guud, waxaa muuqata in hawlgallada iskaashiga ah ee u dhexeeya ciidamada dowladda, NISA, iyo maleeshiyada deegaanka ay sare u qaadayaan cadaadiska la saaray Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, arrimaha la xiriira sheegashada guulaha hawlgalka waxay mararka qaar keeni karaan kala shaki iyo xasarado siyaasadeed ama bulsho oo u baahan in si xasaasi ah loo wajaho.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here