Wararka ka imaanaya magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka qarxay gudaha magaalada, gaar ahaan xaafadda Sare ee laga soo galo magaalada. Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland iyo ciidamo kale oo deegaanka ah, kuwaasoo taageersan dhismaha maamulka Maakhir, oo xiriir la leh maamulka SSC-Khaatumo iyo shirka ka socda magaalada Laascaanood.
Goob joogayaal ku sugan Dhahar ayaa RNN Somali TV u sheegay in rasaasta culus ay ka bilaabatay waaberigii hore, iyadoo ciidanka deegaanka ee Beesha Maakhir ay fariisin ku lahaayeen xaafadda Sare oo ah meel istiraatiiji ah oo laga soo galo degmada.
Dagaalka ayaa u muuqda mid ka dhashay khilaaf xoogan oo siyaasadeed iyo mid maamul, iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay muddooyinkii dambe ku dhawaaqayeen taageeradooda ku aaddan dhismaha maamulka Maakhir, kaasoo ay doonayaan in uu ka madax-bannaano Puntland, isla markaana uu ku biiro dhaqdhaqaaqa SSC-Khaatumo ee ka socda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Xaaladda magaalada ayaa aad u kacsan, iyadoo ganacsiga la xiray, dadka shacabka ahna ay bilaabeen inay ka barakacaan goobaha ay rasaastu ka dhaceyso. Ma jiro weli war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Puntland ama hoggaanka dhaqanka ee deegaanka, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladdu ama masuuliyiinta beelaha kasoo saaraan warar rasmi ah.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Sanaag uu noqday mid ay xiisado siyaasadeed iyo kala aragti duwanaan maamul si xawli ah ugu sii kordhayaan, taasoo laga cabsi qabo inay horseedo dagaallo hor leh iyo kala qeybsanaan baahsan.
RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa xaaladda magaalada Dhahar waxayna idiinla wadaagi doontaa wararkii ugu dambeeyay marka ay kusoo kordhaan.