Wararka deg-degga ah ee laga helayo degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay galabta madaafiic ku garaaceen xero ay ku sugnaayeen ciidamada Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed.
Sida ay ilo-wareedyo maxalli ah u xaqiijiyeen RNN Somali TV, dagaal toos ah ayaa hadda ka socda degmadaasi, waxaana la sheegayaa in uu u dhaxeeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Wali lama oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, hase yeeshee xaaladda degmada ayaa aad u kacsan, iyadoo rasaas culus laga maqlayo qeybo ka mid ah magaalada.
Dagaalkan lama filaanka ah ayaa kusoo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir heer caalami ah oo ku saabsan arrimaha cuntada iyo xasilloonida gobolka.
Isku dhacyadan ayaa si weyn uga yaabiyay shacabka ku nool gobolka Gedo, iyadoo laga cabsi qabo inuu sii fido dagaalka haddii aan si degdeg ah loo xallin.
RNN Somali TV waxay si dhow ula soconeysaa xaaladda, waxaana dib idinkugu soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee kusoo kordha.