Wararka hadda naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay duleedka degmada, gaar ahaan xerada ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan “xerada UK.”
Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo maxalli ah, dagaalka ayaa ah mid aad u culus, iyadoo dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta culus laga maqlayo dhanka magaalada Mandhera ee dalka Kenya.
Wararka kale ee laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in la jaray isgaarsiinta shirkadda Safaricom, taasoo dadka deegaanka ay maalmahan isticmaalayeen si ay ula xiriiro dibadda, maadaama isgaarsiinta Hormuud ay hore hawada uga baxday.
Isku dhaca ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan tahay xiisaddii dagaal ee u dhaxeysay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Dooloow, taasoo muujinaysa xaalad guud oo amni darro ah oo ka jirta xadka Soomaaliya iyo Itoobiya/Kenya.
Weli faahfaahin rasmi ah lagama helin cidda weerarka qaaday ama khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka socda.