Wararka hadda naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo Xerada Uk, oo ku taalla duleedka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerar ay ciidamada taabacsan maamulka Jubbaland ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee halkaas ku sugan.
Goob joogayaal ku sugan Balad Xaawo ayaa sheegay in rasaas culus la is weydaarsanayo, islamarkaana laga maqlayo gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda. Lama xaqiijin ilaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu yahay mid aad u culus oo weli socda.
Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo dadka rayidka ah ay cabsi darteed guryahooda isaga jiraan ama ay gabaad u raadsadeen meelaha ay u arkaan inay nabadgalyo leeyihiin.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha ku saabsan gobolka Gedo.