DEG DEG: Ciidanka Xoogga Dalka oo Fashiliyey Weerar Khawaarijtu ku Soo Qaadeen Sabiid iyo Caanoole

0
37

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caarinimo ah oo ay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal culus ayaa ka dhacay duleedka magaalooyinkaas, waxaana ciidanka qaranka ay si awood leh u jabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday, iyagoo ku dhuftey khasaare aad u ba’an.

Wararka laga helayo saraakiisha howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegaya in maydadka Khawaarijta ay daadsan yihiin goobihii dagaalku ka dhacay, halka firxadkoodana weli lagu daba jiro, oo lagu baacsanayo duleedka deegaanka.

Dagaalka ayaa wali socda, waxaana ciidanka xoogga dalka ay muujiyeen karti, geesinimo, iyo diyaar garow sare oo ay kaga hortageen weerarkan argagixisada ah ee lagu carqaladeynayay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sabiid iyo Caanoole ayaa kamid ah deegaannada muhiimka u ah xasilloonida gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay halkaas ka wadaan howlgal ballaaran oo lagu sifeynayo Khawaarijta.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here