Dagaal culus ayaa saaka ka qarxay deegaanka Burjeed oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (CXDS) ku leeyihiin deegaankaas. Weerarka ayaa sababay dagaal xooggan oo ay labada dhinac is-weydaarsanayaan rasaas culus iyo hubka waaweyn.
Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa iyaguna la sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka, iyagoo garab siinaya ciidamada dowladda Soomaaliya si ay u difaacaan saldhigooda.
Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaama uu weli socdo, mana jiraan illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac ee diriraya.