Dagaalka Ukraine oo Galay Weji Cusub – Putin: “Saacaddii Dagaalku Way Bilaabatay”

0
55
{"tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"source_type":"vicut","capability_name":"retouch_edit_tool","client_key":"aw889s25wozf8s7e","picture_template_id":""}","pictureId":"E34BA19C-DFA6-4279-A12F-7F30CC15AB5A","exportType":"image_export","data":{},"source_type":"vicut","editType":"image_edit"}

Dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa galay weji cusub oo khatar sare leh, kaddib markii dowladda Ruushka ay billowday weerarro culus oo ay ku qaaday xarumo istaraatiiji ah oo ku yaalla gudaha Ukraine, gaar ahaan caasimadda Kyiv.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in “saacaddii dagaalku ay bilaabatay”, isaga oo carabka ku adkeeyay in aysan joojin doonin weerarada ilaa la burburiyo dhammaan xarumaha milatari ee uu Ruushku u arko khatar ku ah amniga qarankiisa, gaar ahaan kuwa ku dhow magaalada Moscow.

Gantaallo Casri ah oo Halis Leh

Weerarrada Ruushka ayaa la sheegay in loo adeegsaday gantaallo noocyo kala duwan ah oo casri ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

• Gantaallo xawaare sare leh (Hypersonic Missiles)

• Gantaallo leh laba-qarax (Dual Warhead Missiles)

• Gantaallo leh awood Nukliyeer ah

Gantaalladan ayaa lagu burburiyay saldhigyo milatari oo ku yaalla Kyiv iyo magaalooyin kale, warshado soo saara qalabka dagaalka, iyo xarumo muhiim ah oo dowladda Ukraine leedahay.

Khatar Weyn oo Soo Food Saartay Gobollada iyo Caalamka

Khubarada amniga caalamiga ah ayaa ka digaya in dagaalka hadda u gudbay marxalad aad u khatar badan, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida gobolka iyo nabadgelyada caalamka. Ruushka ayaa si cad u sheegay in uu diyaar u yahay adeegsiga hubka culus, haddii loo baahdo.

Madaxweyne Putin ayaa si gaar ah u tilmaamay in weerarada aysan joogsandoonin ilaa la tirtiro dhammaan “xarumaha ciidan ee khatarta ku ah Ruushka”, isaga oo Kyiv si toos ah ugu tilmaamay bartilmaameedka ugu weyn.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here