Dagaal Xoogan oo markale dib uga qarxay duleedka magaalada Beled-Xaawo.

0
84

Dagaal culus ayaa saaka markale dib uga qarxay deegaanka Tuulo Aamin oo hoostaga magaalada Beled-Xaawo ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar qorsheysan ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa Tuuladaasi.

Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday halkaasi.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma hayo khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kasoo kala gaaray dagaalka.

Dagaalka maanta ka dhacay duleedka magaalada Beled Xaawo ayaa ku soo aadaya xilli horaantii bishii hore ciidamada dowladda Federaalka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Belad Xaawo.

RNN Somali TV waxay si dhow ula soconeysaa xaaladda, waxaana dib idinkugu soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee kusoo kordha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here