DAGAAL QARXAY: India oo Caawa Weerar Gantaallo ah ku Qaadday Pakistan – Xiisadda oo cirka isku shareertay

0
36

Maajo 7, 2025 – Caawa fiidkii ayaa waxaa si lama filaan ah dagaal gantaallo ah uga qarxay xadka u dhaxeeya Hindiya iyo Pakistan, kaddib markii ciidamada Hindiya ay weerar culus ku qaadeen goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Pakistan.

Wararka rasmiga ah ee laga helayo gudaha Pakistan ayaa sheegaya in 9 goobood oo ku yaalla gobolka Jammu & Kashmir iyo dhulalka kale ee Pakistan si toos ah loo beegsaday. Saldhigyada ay ku sugnaayeen dagaalyahanada ururrada Lashkar-e-Taiba iyo Jaish-e-Mohammad ayaa la sheegay in bartilmaameed laga dhigtay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pakistan ayaa xaqiijisay in weerarkaasi uu sababay 3 dhimasho ah iyo 9 dhaawac ah, iyadoo sheegtay in ay si degdeg ah uga jawaabi doonto gardarrada Hindiya.

Xiisaddan ayaa si aad ah u kacsan, iyadoo khatar laga qabo in ay isu beddesho dagaal weyn oo u dhexeeya labada dal ee leh awoodda hubka nukliyeerka. Caalamka ayaa indhaha ku haya, iyadoo laga cabsi qabo xaalad halis gelin karta nabadda gobolka iyo tan dunidaba.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here