Friday, November 22, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYDagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaan katirsan Gobolka Mudug

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaan katirsan Gobolka Mudug

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal laba maleeshiyo Beeleed Maanta ku dhexmaray degaanka Buq oo wax yar u jira degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

 

Shalay ayuu soo billaawday dagaalka labada maleeshiyo Beeleed, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay ilaa 13 Ruuxhalka 27 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii Maanta uu ka duwanaa kii shalay oo ciidanka lugta ah iyo gaadiidka dagaalka la isu adeegsanayo, iyada oo badi dadkii deganaa degaanka Buq ee Gobolka Mudug ay ka barakaceen.

 

Dadka Reer Miyiga Xoolo Dhaqatada ah ee weli ku sugan degaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka Maanta uu ahaa mid xoogan, kaas oo saameyn ku yeeshay Guud ahaan degaanka, isla markaana aysan jirin cid kala dhex-gashay dhinacyada dagaalamay.

 

Laamaha Amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay Maalintii labaad degaanka Buq oo wax yar u jira degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, iyada oo colaadaas ay tahay mid soo laab laabatay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments