Waxaa maalintii saddexaad si xoogleh uga socda deegaanka Ceel-hareer ee gobolka Hiiraan dagaal u dhaxeeya Macawiisleyda deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab (AS).
Macawiisleyda, oo ah ciidamo is abaabulay oo deegaanka ka dhashay, ayaa weerarro culus ku qaaday fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd agagaarka Ceel-hareer. Dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u culus oo geystay khasaare kala duwan, inkasta oo tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca aan si rasmi ah loo shaacin.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Macawiisleydu ay qabsadeen goobo muhiim ah, isla markaana ay ka gooyeen waddooyin istaraatiji ah oo kooxda isticmaali jirtay.
Dagaalkan ayaa qayb ka ah dadaalka iska caabbinta shacabka ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si weyn ula dagaalamayay kooxda Al-Shabaab, iyaga oo taageero ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco RNN Somali TV.