Dabley hubeysan oo laayay shaqaale ka shaqeeya dhagax qodista

0
11

Warar dheeraad ah ayaa laga helaya weerar dhabo gal ah oo kooxda Al-shabaab, ay saakay ka geysteen  tuulada Bor Abor oo hoostagta magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Bayaan kasoo baxay Booliska Kenya, ayaa lagu sheegay in rag hubeysan oo katirsan Al-shabaab oo lagu qiyaasay 10 dagaalame ay jidka u galeen Gaari Mini Bus ah oo waday shaqaalo ka shaqeeya dhagax qodista.

Inta la xaqiijiyay  waxaa weerar ku geeriyooday  ilaa iyo 5 kamid ah shaqaalaha halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sida kale lagu sheegay warbixinta Booliska, dableyda hubeysan ayaa shaqaalaha ka qaaday  telefoonadooda iyo Kaararka aqoonsiga, kaddibna ay toogteen ayaga oo dhulka jiifa.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dableyda dilka geystay ay u soo baxsadeen dhanka xuduuda Soomaaliya.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here