Site icon rnnsomalitv

Daa’uud Aweys oo ka booqday xarun muhiim ah oo dhowaan la furay +Sawirro

Wasirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo kormeer ku tagay xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ayaa booqday qeybaha kala duwan ee sheybaarada lagu diyaarinayo qorshaha isaga oo ku dhiirigeliyay hawlwadeenada kala duwan shaqada muhiimka ah ay u hayaan qaranka.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta ayaa si gaar ah kulan ula yeeshay mas’uuliyiinta iyo hawlwadeennada kala duwan ee ka shaqaynaya Qorshaha Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, isagoo ka dhagaystay warbixinta shaqada ay hayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 16-kii bishan October si rasmi ah u daah furay Qorista Qorshaha Isbadalka Qaranka, kaasi oo hadda diyaarintiisa ay ku hawlan yihiin mas’uuliyiin iyo hawlwadeenno kala duwan oo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

 

464361963_1051968406969765_6048286315041119657_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395&_nc_cat=111&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=9q5wDGcZsCQQ7kNvgGzupWt&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Daa'uud Aweys oo ka booqday xarun muhiim ah oo dhowaan la furay +Sawirro
Exit mobile version