Ciidanka Xoogga oo ku sii dhowaanaya deegaannada Afarta Tuulo

0
106

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa saaka dhowr jiho kaga sii dhowaanaya deegaannada lagu magacaabo Afarta Tuulo, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ah ayaa hadda wax ka yar 5km u jira degmada Masaajid Cali Gaduud, halka ay sidoo kale ku sii siqayaan deegaannada Ceel Baraf, Miirtaq, iyo meelo kale oo dhow.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa booqday qaybo kamid ah jiidaha hore ee dagaalka, isagoo maalmihii u dambeeyay ka waday abaabul ciidan iyo dhiirrigelin moral ah, si loo xoojiyo howlgalka cusub ee socda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here