Sabiid & Caanoole, Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka saareen kooxda Khawaarijta ee halkaasi ku dhuumaaleysan jirtay.
Howlgalka oo si gaar ah loo agaasimay ayaa horseeday guulo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta, kuwaas oo laga jabiyay fariisimadii ay ku lahaayeen deegaanka. Ciidanku waxay si buuxda u la wareegeen xarumihii iyo meelihii istaraatiijiga ahaa ee ay Khawaarijtu kaga hawlgali jireen gobolka.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in kooxda Khawaarijta lagu qasbay inay si degdeg ah uga cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen kadib markii la kordhiyay weerarada qorsheysan ee ka dhan ah argagixisada.
Waxaa sidoo kale lasoo bandhigay agab iyo qalab ay Khawaarijtu isticmaali jireen, kuwaas oo laga helay gudaha xarumahooda, iyadoo ciidanku ay xaqiijiyeen in howlgalka uu yahay mid qeyb ka ah dadaallada lagu xoreynayo guud ahaan Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ugu jiraan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka.