Ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish oo dagaal culus ku dhex maray buuraha Calmiskaad

0
101

Sida ay wararka sheegayaan Xubno ka tirsan kooxda daacish ayaa werar culus oo qaraxyo ku bilawday  ku qaaday saldhig ciidamada Puntland, ay ku leyihiin deegaanka dhaasan ee buuraleyda Calmiskaad.

Dagaal saacada badan socday ayaa halkaasi ka dhacay waxaana jira khasaaro labada dhinac soo gaaray iyada oo ay wararka sheegayaan in gudaha ay u galeen xubnaha daacish deegaanka dhaasan.

Saraakiil katirsan ciidamada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayeen xogta weerarka, isla markaana ciidanka ay ku jireen difaac  ayna ka hotageen.

“ Khawaarijta oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed, ayaa xalay soo weerartay guutada 2-aad ee ciidanka daraawiishta Puntland, jab culus ayaan gaarsiinay  meydadkooda ayaa halkan yaala, illaah ayaa nagu guuleeyay. Ciidanka Puntland waa ciidan u tababaran qabashada cadowga ajnabiga ah, ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here