Wararka laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in ciidamada huwanta ah ay si toos ah u weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka howdka ah ee ku xeeran Biyacade, iyadoo halkaasi laga maqlayey dhawaqa rasaas culus iyo guux ciidan.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo amni, howlgalka ayaa lagu burburiyey saldhigyo iyo godad ay kooxdaasi isticmaali jirtay, waxaana la rumeysan yahay in xubno muhiim ah oo Al-Shabaab ah lagu dilay ama lagu dhaawacay, inkasta oo aan weli la helin tiro rasmi ah oo la xaqiijiyey.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale sameeyey baaritaano dheeraad ah si ay u xaqiijiyaan amniga guud ee aaggaas iyo in aysan jirin wax halis ah oo ku haray deegaanka.
Howlgalkaasi wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka iyo shacabka deegaanka ay ku doonayaan in lagu ciribtiro kooxda Al-Shabaab ee weli ku sugan qaybo ka mid ah gobollada dhexe.