Ciidan-beeleedyadii Hubeysnaa ee Somaliland oo Lagu Biirinayo Ciidanka Qaranka

Ciidan-beeleedyadii Hubeysnaa ee Somaliland oo Lagu Biirinayo Ciidanka Qaranka

Hargeysa, 20-ka Abriil 2025 – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ciidamadii beeleed ee hubeysnaa ee ka howlgalayay deegaanada Somaliland, gaar ahaan meelaha colaadaha ay ka dhaceen, hadda lagu wado in si rasmi ah loogu biiriyo Ciidanka Qaranka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro hubka sharci darrada ah iyo kooxaha beeleed ee colaadaha hurinayay, iyadoo la xaqiijiyay in askari walba uu qorigiisa iyo gaariga tiknikada ah ku wareejinayo Taliska guud ee Ciidanka.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa rajo ka muujiyay in haddii qorshahan si guul ah u hirgalo, ay meesha ka bixi doonaan maleeshiyaadkii hubeysnaa ee danaha qabiilka ku shaqeynayay isla markaana qeyb ka ahaa dagaallada sokeeye ee muddooyinkii dambe deegaanka ka jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *