Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanka oo weerar ka dhan ah Khawaarij ku qaaday Hiiraan

0
99

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saaka fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ah koox Khawaarij ah oo ku dhuumaaleysanaysay deegaanada Garas-magan iyo Ceelhareeri, oo hoos taga degmada Moqokori.

Howlgalka ayaa ka dhacay dhowr jiho, waxaana ciidamada lagu guuleystay in laga saaro goobihii ay kooxdu ku sugneyd, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Saraakiisha ciidamada ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay kooxaha amni-darrada abuurayaan ku firxan yihiin.

Dagaalladii habeenadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ayaa saldhig u ahaa qorshaha howlgalkan, waxaana ciidamada ay si guul leh uga falceliyeen weeraradii kooxahaasi.

Xaaladda ammaanka ee gobolka Hiiraan ayaa weli u baahan in si dhow loo ilaaliyo, iyadoo ciidamada ammaanku ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here