Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya geesiyaasha deegaanka ee xaq u dirirka gobolka Hiiraan ayaa saakay ka hortegay weerar naf la caari ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Birta, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay dagaal culus kadib guul weyn ka gaareen weerarkaas, islamarkaana ay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamada ayaa haatan sii daba socda firxadka kooxdaasi, iyadoo lagu wado in goordhow la soo bandhigo meydadka dagaalyahanadii Al-Shabaab ee lagu dilay goobaha lagu dagaalamay.
Howlgalka saakay ka dhacay deegaanka Birta ayaa qeyb ka ah gulufka ballaaran ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, waxaana saraakiishu sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan arki doonaan cadeymo muujinaya guusha laga gaaray dagaalkaas.
Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa si wadajir ah uga shaqeynaya xoreynta deegaannada weli gacanta ugu jira kooxaha Khawaarijta ee Al-Shabaab, kuwaasoo weli ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah dalka.
RNN Somali TV
Waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda – wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena xiga.