
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha deegaanka ayaa soo bandhigay sawirro iyo muuqaallo muujinaya gaadiid ay ka carareen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo si farsamaysan loogu qariyey geedo korkooda. Tani waxay daba socotaa weerarro toos ah iyo duqeymo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxdaas, taasoo sababtay in firxadayaashii ay hub iyo gaadiid kaga tagaan deegaanka.
Xubnaha Al-Shabaab ee firxadka ah ayaa ka cararay goobaha dagaalka, iyagoo isku dayay inay gaadiidka ku qariyaan howdka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hase yeeshee ciidamada isgarabsanaya ayaa ku guuleystay inay helaan gaadiidkaas iyo hub fara badan oo la doonayay in la dhumo.
Saraakiisha howlgalka ayaa sheegay in tani ay caddeyn u tahay jab iyo niyad-jab xooggan oo ku dhacay kooxda Al-Shabaab, maadaama ay awoodi waayeen inay difaacdaan gaadiidkooda isla markaana si degdeg ah uga firxadeen goobihii ay horay u joogeen.
Howlgallada iskaa wax u qabso ah ee ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa si joogto ah u burburinaya awoodda Al-Shabaab, waxaana shacabka Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan ciidanka si dalka looga ciribtiro kooxdaas argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.