Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo garabsanaya kuwa Macawiisleyda deegaanka, ay maanta dib ula wareegeen degmada Moqokori oo muddooyinkii u dambeeyay gacanta ugu jirtay kooxda Alshabaab.
Howlgalkan oo uu hormuud u yahay iskaashi shacabka iyo dowladda ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee dib loogu xoreynayo deegaanada gobolka Hiiraan.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaal kooban kadib ay Alshabaab ka baxeen degmada, iyadoo ciidamada isbahaysan ay hadda si buuxda ula wareegeen gacan ku haynteeda.
🔻 Wararka hordhaca ah ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray, balse RNN Somali TV waxay sii raadineysaa faahfaahin dheeri ah oo kusaabsan xaaladda guud ee degmada iyo nolosha shacabka.