Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay arrimaha dastuurka Soomaaliya, isagoo si cad u sheegay in Puntland aysan marnaba ogolaan doonin in lagu ciyaaro dastuurka dalka, isla markaana aysan cidina sida ay doonto uga yeelan karin Puntland.
Madaxweyne Deni oo ka hadlayay munaasabad xasaasi ah ayaa yiri:
“Cidna Puntland sidey doonto kama yeelan karto. Dastuurka dalka ha lagu dhaqmo si waafaqsan heshiisyadii hore. Ciyaarta lagu hayo dastuurka halaga daayo. Puntland danaha dalka wey ka shaqeynaysaa, laakiin ma aqbali doonto in lagu tunto xuquuqda dadka iyo nidaamka Federaalka.”
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu jiro muran siyaasadeed oo xoogan oo ka taagan marxaladda dib-u-eegista dastuurka Federaalka ee Soomaaliya, taasoo ay Puntland horey uga biyo diiday hanaanka loo wajahayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa dhaliilo xooggan oo kaga imaanaya qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Puntland, oo ku eedaynaya in loo marayo dariiq aan loo dhammayn oo horseedi kara xadgudub ku yimaada nidaamka Federaalka iyo saamiga awood qeybsiga.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in la ilaaliyo midnimada dalka iyadoo la dhowrayo sharciga iyo dastuurka, waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda dhexe in ay ka fogaadaan go’aanno siyaasadeed oo dhaawacaya kalsoonida iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.