Lix Caruur Ah ayaa isbital loola cararay degmada Bronkhorspruit ee gobolka Gauteng kadib markii sida la sheegay ay ku sumoobeen jibsi laga soo iibiyay dukaan ajaanib leedahay
Sida ay tabineeyso warbaahinta maxaliga ah. Dadka dagan Bronkhorspruit ayaa isagu soo baxay wadooyinka iyagoo xiray dukaamada Ganacsi ee shisheeyaha waxaana deeganka ka taagan xaalad kacsanaan ah
Ciidamada Booliska ayaa hortagan dad ka careeysan caruurta sumowday waxaana ay milkiilayasha ajaanibta ugu baaqeen in ay deegaanka isaga guuraan.
Wadooyinka qaar waxa lagu arkayay badeecado la gubay oo laga soo uruuriyay dukaamada spaza shops kuwa oo la sheegay in tayadooda aysan wanaagsaneyn
Si kastaba maalimo ka hor ayey aheyd markii dhacdo noocan oo kale laga soo tabiyay Xaafadda Naledi ee degmada Soweto kadib markii sida la sheegay ay lix caruur ah u dhinteen cunto sameeysan oo laga soo iibiyay dukaan ajaanib iyadoo taasi ay sababtay in gabi ahaanba albaabada la isugu dhufto dhamaan ganacsiga shisheeyaha ee Xaafaddasi ku yaalay.
Xigasho eNCA
