Canada ayaa sii wada in waddamada Africa ay kala shaqeyso arrimaha sinaanta jiinsiga iyo horumar guud oo laga gaaro arrimaha haweenka.
Axmed Xuseen, wasiirka horumarinta caalamiga ee Canada oo ay wehliyaan Randy Boissonnault, wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta iyo xildhibaanka laga soo doorto bartamaha Edmonton, ayaa shaaciyay lacag dhan 35 milyan oo doolar, dhaqaalahaas oo lagu caawin doono haweenka qaaradda Africa.
Dhaqaalahan ayaa lagu taageeri doonaa mashaariic kala duwan oo loogu talo galay in lagu xoojiyo sinaanta jiinsiga iyo xuquuqda aadanaha, taageeridda hoggaanka haweenka, iyo horumarinta helitaanka adeegyada muhiimka ah.
Dhaqaalahan la shaaciyay iyadoo ay goobjoog ka yihiin xubno ka tirsan qurba-joogta Afrika, ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay Canada ugu heellan tahay kobcinta iskaashi qotodheer oo ay la yeelato bulshooyinka Afrika ee gudaha iyo dibaddaba.