Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYCali Guudlaawe oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka shabeellaha Dhexe

Cali Guudlaawe oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta  booqday qaar ka mid ah Daraawiishta, Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka  adag la galay kooxda Al-shabaab.

Safarka  Madaxweynaha waxaa ku wehlinayay  Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, saraakiil ciidan, waxa uuna kormeerkoodu u ahaa mid ciidamada loogu boorinayo in ay sare u qaadaan howlgalka ka socda deegaannada Hir-shabeelle eek a dhan ah Al-shabaab.

Sidoo kale madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa kulan  la qaatay saraakiisha ciidamada Daraawiishta, Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, isaga oo ku ammaanay sida ay har iyo habeen ugu taagan yihiin ciribtirka kooxda Al-shabaab, oo dhibaato badan ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn madaxweynaha Hir-shabeelle, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada ee dagaalka kula jira Al-shabaab, ayna sii wadi doonaan wax walbo ay u baahan yihiin sida saanada ciidanka iyo xuquuqda kale ay lee yihiin.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments