Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta deegaanka Xawaadleey, isagoo ku baaqay in la furo hal xiraalaha meeshaasi oo uu ku tilmaamay mid mugdi badan ku jiro.
“Ma garan diyaaradda aan dhicin ee ku degtay dhul ay Al-Shabaab joogaan. Aniga intaan garanaayay, wey dhaaftay.
Waxaanse tuhmayaa ineysan arrimahaan iska imaanin — waxay u muuqdaan qorshe fog leh.
Hal xiraalaha Xawaadleey ha la furo!
Fadlan, nala wadaag waaya aragnimadaada.”
Hadalkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli kooxda Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka Xawaadleey, halkaasoo diyaarad aan la garanayn nooca ay tahay ay si lama filaan ah ugu degtay saldhig ay kooxdaasi gacanta ku hayso.