Booliska Puntland oo sheegay inay xakameeyeen maleeshiyaad laga soo abaabulay Xamar oo weeraray magaalada Dhahar

0
37

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa sheegay inay si buuxda u xakameeyeen shaqaaqo hubeysan oo shalay ka dhacday magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, taasoo ay fuliyeen kooxo maleeshiyaad ah oo la sheegay in laga soo abaabulay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in weerarka ay kooxahaasi ku qaadeen ciidamada amniga Puntland ee kasoo baxay deegaanka Baraagaha-Qol uu sababay dhimasho iyo dhaawac, balse ciidanka ammaanka ay si geesinimo leh uga hortageen.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Haylaan, Gashaanle Sare Jaamac Maxamuud Gabayre, ayaa sheegay in kooxaha weerarka qaaday ay ahaayeen maleeshiyaad sharci-darro ah oo ujeedkoodu ahaa in ay carqaladeeyaan xasilloonida gobolka iyo howlaha dowladda. Wuxuu xusay in ciidamada ammaanka Puntland ay si buuxda gacanta ugu hayaan xaalada, islamarkaana ay ku guuleysteen inay jabiyaan maleeshiyaadkii weerarka qaaday.

Sidoo kale, Booliska Puntland waxay cambaareeyeen abaabulka kooxahan oo lagu eedeeyay in laga soo maleegay caasimadda dalka, taasoo ay sheegeen inay halis ku tahay wadajirka, amniga, iyo xasiloonida dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here