Waxaa goordhow bannaanbax ballaaran ka qarxay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyadoo waddooyinka waaweyn ee halkaasi isku xira la xiray, lagana dareemayo kacsanaan xooggan.
Dadka bannaanbaxa dhigaya oo isugu jira ganacsato yar-yar, darawallo iyo shacabka deegaanka ayaa ka cabanaya lacago baad ah oo ay sheegeen in ciidamo ka tirsan dowladda si joogto ah uga qaadaan. Waxaa sidoo kale la sheegay in dad badan oo ka mid ah shacabkaasi la kulmeen jirdil joogto ah oo ay u geystaan askarta.
Mid ka mid ah dadka banaanbaxa ka qeybqaadanaya ayaa yiri:
“Waxaan ka shaqeysan la’nahay ciidamada oo lacag baad ah naga qaada, jirdil joogta ahna noo geysta. Waxaan rabnaa caddaalad iyo xorriyad shaqo.”
Ciidamo badan oo amniga sugaaya ayaa lagu arkayaa aagga KM4, waxaana ay bilaabeen inay dib u riixaan dadkii isugu soo baxay wadooyinka, iyagoo xiray marinada muhiimka ah ee halkaas isku xira.
Weli lama hayo war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ama wasaaradda amniga gudaha, balse shacabka iyo dadka shaqooyinka maalinlaha ah ku tiirsan ayaa ku baaqaya in si degdeg ah wax looga qabto cabashadooda.
RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxayna idiin soo gudbin doontaa faahfaahinta ugu dambeysa.
