Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ka dhacday doorashada Hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubbaland, iyada oo ay dhowr musharax ay u tartamayeen doorashada.
Doorashada Jubbaland ayaa waxaa ku loolamayay ilaa iyo dhowr musharax, waxaana ku soo baxay Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) oo helayay codad gaaraya 55 cod.
Natiijada soo baxday oo dadka qaar ay shegeen In ay aheyd mid lasii ogaa ayaa Axmed Madoobe waxaa la tartamayay labo musharax oo kaliya kuwaasi oo kalaa Feysa Mxamed oo helay 16 cod, halka Abuukar Cabdi Xasan uu helay 4 cod, waxaana musharaxiintaas lagu sheegay in ay Axmed Madoobe u ahayeen Malxiis.
Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay hoolka ay ka dhaceysay doorashada, ayaa u mahad-celiyay xildhibaannada doortay, wuxuuna ballan qaaday in shaqada halkeeda uu kasii wadi doono.
Sidoo kale Axmed Madoobe oo mar la weydiiyay su’aala aheyd aqoonsiga dowladda federaalka ayaa sheegay in waxba aysan uga baahneen dowladda dhexe.
Sikastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda dib joog ka ah doorashada Jubbaland, ayaa horay u sheegtay inaysan aqoonsan doonin maamulka ka yimaada Jubbaland, oo ay ku eedeysay in Axmed Madoobe uu awood ku heysto Jubbaland.