Saturday, March 15, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYAskari katirsan ciidanka Kenya oo lagu dilay dagaal ka dhacay xuduuda Soomaaliya...

Askari katirsan ciidanka Kenya oo lagu dilay dagaal ka dhacay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

Wararka inaga soo gaaray degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in xaalada magaaladaasi  ay maanta kacsan tahay kaddib markii shalay xuduud beenaadka Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay.

Dagaalka oo dhex maray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya, ayaa si gaar ah ugu dhacay xuduuda Magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay hal askari oo katirsanaa ciidanka Booliska Kenya.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in sababta keentay dagaalka ay tahay in ciidamada Booliska Kenya  ay xireen wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa ganacsatada degmada Baladxaawo, xili uu ku sugnaa magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi Bari ee Kenya, isla markaana aan la ogeyn sababta keentay in xiraan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada Kenya ay xabsiga ku jirdileen wiilka dhallinyarada ah, una sii gudbiyeen xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xireen xuduuda magaalooyinka Baladxaawo iyo Mandheere, sidoo kalana ay dowladda Kenya  ciidamo badan soo dhoobtay xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments

class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | İstanbul Escort | İstanbul Escort | porn sub ita | canlitv.watch | |