Wednesday, March 19, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYAskar kawada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Askar kawada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ka dhacay degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan oo u dhaxeeyey ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Nabad Sugida Qaranka, ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafada Tookiyo oo katirsan degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay 3 ruux oo labo kamid ah ay yihiin askar katirsaneed labada dhinac, halka ruuxa kale uu ahaa shacab.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay dagaalka sababay dhimashada saddex ruux ee dhex maray labada ciidan, mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan dhacdadaani.

Xaalada goobtii lagu dagaalay ayaa deggan, waxaa dib u soo laabtay isku socodka dadka iyo deegaanka, oo markii hore hakad galay.

Muqdisho, waxaa caadi ka ah iska hor-imaadka sababa dhimashada iyo dhaawac ee inta badan meelaha qaar ciidamada dowladda ku dhex mara mana jirto tallaabo ay qaaday dowladda oo ay uga hortageyso dhacdooyinkaasi.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments