Alshabaab oo Gubay 6 Gaari oo Dhuxul Siday, Hal Qofna Dilay – Dowladda oo ku mashquulsan Isbaarooyin

0
14

Wararka naga soo gaaraya duleedka deegaanka Warmaxan ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay halkaasi ku gubeen lix gaari oo siday dhuxul, kuwaasoo kusoo jeeday magaalada Muqdisho. Sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen, hal kamid ah dadka dhuxusha watay ayaa lagu dilay goobta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan aaggaas ay ku mashquulsan yihiin ururinta lacago baad ah oo isbaaro ahaan looga qaado gaadiidka dadweynaha, halkii laga rabay inay ka hortagaan weerarada Alshabaab.

Dhanka kale, Alshabaab ayaa sii xoojinaya dhaq-dhaqaaqyadooda militari ee ka socda wadada isku xirta Muqdisho, Yaaqbariweyne, iyo Baydhabo, iyagoo dhowr goobood ka samaystay isbaarooyin cusub.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here