Al-Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Kenyan ah Deegaan u Dhaxeeya Bambo Ola iyo Mandera, Taliye Ciidan oo Lagu Dilay

0
38

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya oo marayay deegaan u dhaxeeya Bambo Ola iyo magaalada Mandera, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Weerarka ayaa bilowday kadib miino dhulka lagu aasay oo qaraxday xilli ay ciidamadu ku jireen dhaq-dhaqaaq ciidan. Qaraxa kadib, dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa rasaas toos ah ku furay ciidamada, taasoo sababtay in la waayo taliye ciidan oo halkaas ku dhintay, halka toddobo askari oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ilo-wareedyo amni ayaa xaqiijiyay in weerarka uu dhacay galinkii hore ee maanta, ayna kooxdu si ula kac ah u beegsatay ciidamo socdaal ku jiray oo aanan helin gurmad deg deg ah. Dhacdadan ayaa walaac hor leh ku abuurtay dadka deegaanka, maadaama ay qeyb ka tahay weerarro isdaba joog ah oo kooxda Al-Shabaab ka wadaan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Xaaladda gobolka ayaa sii cakirmeysa iyadoo Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliyaan meelaha xuduudka ku dhow. Ciidamada Kenya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahaya weerarro isdaba joog ah, kuwaas oo la sheegay inay kooxda ujeedadoodu tahay carqaladeynta amniga iyo wiiqidda kalsoonida shacabka.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Kenya, hase yeeshee waxaa la filayaa in dowladda ay goor dhow ka hadasho falkan. Dadweynaha gobolka, gaar ahaan kuwooda ku nool deegaannada u dhow Bambo Ola iyo Mandera, ayaa baqdin xooggan ka muujinaya in xaaladda ay kasii darto haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here