GURICEEL – Agaasimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Wasaaradda Qurbajoogta iyo Maalgashiga Soomaaliya, Mudane Maxamed Jibril, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud. Booqashadan ayaa qayb ka ahayd dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda, iyadoo sidoo kale lagu talo jiray in laga faaiideysto fursadaha maalgashi ee ka jira gudaha dalka.
Mudane Maxamed, ayaa intii uu booqashada ku jiray, kulan muhiim ah la yeeshay dhallinyarada ku dhaqan Guriceel, isagoo ka dhageystay aragtiyadooda iyo fikirradooda ku aaddan horumarinta gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya. Dhallinyaradu waxay si xooggan u muujiyeen xiisahooda ku aaddan ka qayb qaadashada mashaariicda horumarineed iyo fursadaha shaqo ee ka jira gudaha dalka, waxaana ay su’aalo ka weydiisteen Agaasimaha sidii loo horumarin lahaa fursadaha maalgashi ee Guriceel.
Agaasimaha Wasaaradda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si joogto ah uga shaqeynayso sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo maalgashi, isla markaana loo xoojin lahaa adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyey in dhallinyarada Soomaaliyeed ay muhiim u yihiin horumarka dalka, waxaana uu ku boorriyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha ay soo bandhigeyso Wasaaradda, isla markaana ay qayb ka noqdaan dadaallada lagu gaari karo horumar waara.
Booqashadan ayaa sidoo kale kor u qaaday wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay is-dhexgalka bulshada qurbajoogta iyo dhallinyarada ku nool gudaha dalka, iyada oo la rajeynayo in kulankaasi uu noqdo mid xoojiya isfahamka iyo wada shaqeynta dhallinyarada iyo dowladda.
Mudane Maxamed Jibril, ayaa ugu dambeyntii uga mahad celiyay dhallinyarada ku dhaqan magaalada Guriceel, wuxuuna u muujiyey taageero buuxda dadka ay saameeyeen, isagoo ku adkeystay in midnimo iyo wadajir ay muhiim u yihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
Booqashadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ku aaddan kor u qaadista wacyiga dhallinyarada iyo fududeynta fursadaha maalgashi ee dalka Soomaaliya.