
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah uga mamnuucay afar xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada ka qeybgalka fadhiyada Golaha Shacabka, sababo amni darteed.
Xubnaha laga joojiyay fadhiyada Golaha Shacabka waa:
1. Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
2. Xildhibaan Cumar Cali Cabdi – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
3. Xildhibaan Isaaq Maxamed Mursal – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
4. Xildhibaan Maxamed Cusmaan Cumar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale codsi u gudbiyay Guddiga Xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda Golaha Shacabka si ay talo bixin uga keenaan arrintan una soo jeediyaan tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha.